Home / News / Fadlan Soo Xerogali!! Jamaahiirta Arsenal Oo Arsene Wenger ka Baryay Inuu Soo Xerogaliyo Riyad Mahrez

Fadlan Soo Xerogali!! Jamaahiirta Arsenal Oo Arsene Wenger ka Baryay Inuu Soo Xerogaliyo Riyad Mahrez

Mahrez-4

Garabka Leicester City iyo xulka qaranka Algeria Riyad Mahrez ayaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda Arsenal, waxaana saxaafadda Ingiriiska ay qorayeen mudooyinkii ugu dambeeyay in xidigaan uu 37 Malyan Oo Pound ugu biiray kooxda Emirates ka dhisan.

Si kastaba Leicester City macalinkeeda Claudio Renieri ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo joogitaanka Riyad Mahrez ee King Power Stadium, xilli Jamaahiirta Gunners ay macalinkooda reer France ka baryayaan inuu bangiga u jabiyo xidigii ugu fiicnaa Premier League-ga xagaagii lasoo dhaafay.
Foxes ayaa iska iibisay N’Golo Kante oo goor hore ku biiray Chelsea, mana doonayaan iney lumiyan xubin kale oo muhiim ah.

Qaab ciyaareedka Ilqabadka leh ee Riyad Mahrez iyo inuu dhaliyay 17-gool sidoo kalana caawiyay 11-gool ayaa ka dhigan in Gunners Jamaahiirteeda ay jaceyl daran u qaadaan, waxaana la aaminsan yahay in Wenger uu soo xerogalin doono laba ama sadex ciyaartoy oo kooxda lagu xoojiyo ka hor inta uusan suuqa xirmin dhamaadka August

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *