Home / News / Filimka Dishoom Iyo Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Filimka Dishoom Iyo Maalintiisa Kowaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

news

Shabakada Boxoffice India ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in filimka Dishoom maalintiisa kowaad uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 11 Crore (Trade Figure) waa sida ay shaaca ka qaadeen kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Dishoom oo ay hogaamiye ka yihiin Varun Dhawan iyo John Abraham ayaa noqday filimka lixaad ee sanadkaan lacagaha ugu badan maalintiisa kowaad soo xareeyo, kaliya filimada Sultan, Fan, Housefull 3, Baaghi iyo Airlift ayaa ka lacag badan maalinta kowaad.

Madaama maalintiisa kowaad uu lacago fiican soo xareeyay filimka Dishoom waa inuu sare u kac xoogan sameeyaa maalmaha Sabtiga iyo Axada si filimkaan sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso ganacsi wacan gudaha Hindiya kaga sameeyo.

Dishoom maalintiisa kowaad Mumbai wuxuu kasoo xareeyay 3.50 Crore, sidoo kalena Delhi/UP wuxuu ka keenay 2.25 Crore halka uu East Punjab ka keenay 1.10 Crore waxaana ugu wacan inuu Punjab ku liito filim cusub oo Punjabi ah oo halkaas ganacsi wacan ka sameeyay maalintiisa kowaad waxaana filimkaas lagu magacaabaa Bambukat

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *