Home / News / Halkuu Ku Dambeeyay Xidigii Hore Inter Milan & Xulka Brazil Adriano? Nolol Ceynkee Ah Ayuuna Ku Nool Yahay? Ma Aamini Doontid

Halkuu Ku Dambeeyay Xidigii Hore Inter Milan & Xulka Brazil Adriano? Nolol Ceynkee Ah Ayuuna Ku Nool Yahay? Ma Aamini Doontid

Adriano-1-768x486Xidigii hore Inter Milan iyo xulka qaranka Brazil Adriano ayaa laga soo waramay xaaladiisa iyo halka uu ku dambeeyay waayahiisii ciyaareed ee kubadda cagta, balse jariiradda Marca oo warbixintaan ka qortay kuma aysan farxin hadii ayba jiraan Jamaahiirtiisa.

Adriano ayaa lagu bartay inuu ahaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu halista badan kubadda cagta iyadoo la xasuusto inuu waayo qurux badan ku qaatay garoonka Sansiro isagoo kooxdaas kula guuleystay Laba Horyaal, Laba Copa Italia iyo Sadex Super Coppa Italia, balse markii ay dhamaadeen waayahiisa kooxdaas wuxuu sameeyay hoos u dhac aad u baahsan.

Si kastaba waayahiisii ugu dambeeyay wuxuu ku qaatay kooxda heerka afaraad ee dalka mareykanka Miami United, balse wey iska soo ceyriyeen, iyadoo haatan lasoo sheegayo inuu ku nool yahay meesha la yiraahdo Favela oo ka mid ah deegaanada ugu qatarta badan magaalada Rio ee dalka Brazil.

Nolosha dadka dagan deegaankaas waa dadka lagu tilmaamo kuwa ugu dhaqanka xun dalka Brazil sidoo kalana intooda badan waa sabool, waana amni ahaan meesha ugu amniga xun dalkas.

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *