Home / News / Sohail Khan Filimkiisa Xiga Ee Uu Director Ka Yahay

Sohail Khan Filimkiisa Xiga Ee Uu Director Ka Yahay

sohail-khan-new

Actor Director Director Sohail Khan filimkiisa xiga ee uu Director ka yahay waxaa lagu magacaabaa Freaky Ali waana filim aan wax badan lagala soconin.

Filimka Freaky Ali wuxuu ku saabsan yahay nolosha Ali uu ahaa nin aruursho deymaha iyo canshuuraadka lagu leeyahay cayaartooyda cayaarta Golf-ka cayaaraan kadibna markii dambe si lama filaan ah Golf-ka ku baranaayo cayaartana heerkii ugu sareesay ka gaarayo.

Filimka Freaky Ali waxaa hogaamiye ka ah Nawazuddin Siddiqui oo nolosha Ali matali doono waxaana filimkaan sidoo kale Nawaz kala soo muuqan doonaan Amy Jackson & Arbaaz Khan.

Sohail Khan ayaa ku faraxsan in filimkiisa si dhaqsi ah loo duubay ilaa haatan jadwal 40-maalmood ah shaqo ku saleesan la dhameeyay.

Sohail wuxuu yiri “Waa markii iigu horeesay aan sameeyo filim miisaaniyadiisa xadidan tahay waxaan ku gaba gabeenay duubista Freaky Ali mudo 40-maalmood ah anagoo ku duubnay magaalooyinka Mumbai, Pune iyo Delhi”

Filimka Freaky Ali wuxuu Sohail Khan qorsheenayaa in daafaha caalamka laga daawado 9 September 2016 waana filim fariin wacan xambaarsan

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *