Home / News / Weerar Dhanka Afka Ah Aamir Khan Ku Qaaday

Weerar Dhanka Afka Ah Aamir Khan Ku Qaaday

Sanadkii hore gaar ahaan bishii November Super Star Aamir Khan weerar dhanka ah oo kala duwan siyaasiyiinta Hindiya ayaa xidigaan ku qaadeen kadib markii uu ka hadlay arimo Hindiya ka taagan dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo diimaha.

Haatana wasiirka gaashaandhiga Hindiya Manohar Parrika ayaa weerar dhanka ah ku qaaday Aamir Khan xili uu masuulkan ku sugnaa goob buug nin joornaaliste qoray lagu soo bandhigaayay. Loading… Wasiir Manohar Parrika asigoon magaca Aamir Khan soo qaadanin balse si toos ah Aamir u heestay wuxuu yiri “Hal atoore ayaa wuxuu dhahay in xaaskiisa ay rabtay inay Hindiya isaga tagto waxay ahayd oraah doqonimo” “Hadii aan faqiir ahay sidoo kalena gurigeyga yar yahay,

weli waan sii jeclaan lahaa gurigeyga waxaana marwalbo ku riyoon lahaa inaan gurigeyga ka dhigo mid aad u weyn oo qasri ah” Sidoo kale masuulkan wuxuu ku jees jeesay Aamir Khan oo uu ku tilmaamay doqon aan dalkiisa jecleyn sidoo kalena aan laheyn caqli uu ku fikiro. waxaa Aqrisay Warbixintaan (1065)

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *