Home / News / Will Smith Oo Laadar Awood Badan Ku Matali Doono Filimka Suicide Squad

Will Smith Oo Laadar Awood Badan Ku Matali Doono Filimka Suicide Squad

image-5

International Mega Star Will Smith waa jilaaga lagu yaqaano marwalbo inuu Hollywood-ka wax ku cusub kusoo kordhiyo. Will Smith wuxuu inta badan waayihiisa fanka soo matalay Super Hero awood badan ama atoore awood buuxdo leh sidoo kalena filimada fariinta dhanka wanaaga kusoo bandhigo.

Laakiin Will Smith markaan wajiga ayuu badashay wuxuuna doortay inuu matalo Super Villain asigoo door laadirnimo ku matali doono filimkiisa cusub Suicide Squad. Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay ee Will Smith shaashadaha ku matalo asigoo laadar jilaayo waxaana si rasmi ah filimka Suicide Squad loo daawan doonaa Jimacada nagu soo fool leh 05 August 2016.

Filimka Suicide Squad waxaa Will Smith ku wehliyaan xidigo fara badan oo Hollywood-ka caan ka ah sida Jared Leto, Margot Robbie, Joel Kinnaman, Viola Davis, Jai Courtney, Jay Hernandez,Adewale Akinnuoye-Agbaje, Ike Barinholtz, Scott Eastwood iyo Cara Delevingne. Filimka Suicide Squad waxaa Director iyo qoraa ka ah David Ayer sidoo kalena filimkaan American Super Hero waxaa cajaladihiisa qeybin doonto shirkada caanka ah Warner Bros. Pictures.

Check Also

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *